MUCAARADKA MA IMANAYAAN KISMAAYO?
(SAWIRKA)-AXMED MADOOBE.
(KISMAYO)-Marka laga hadlaayo Maamulka Jubaland ey hadda xaruntiisu tahay Kismaayo ayaa waxaa inagu soo dhacaayo tariikh kooban kuna saabsan Maamulka Jubaland,dhisida Jubalanda waxa la sheegaa iney ahayd 15/5/2013-kii waxa uuna maamulka shaqeeyey muddo dhan lana sano ah si loo gaarsiiyo doorasho lagu doorto Madaxeyne iyo Golaha baarlamaan,waxa eyna taasi dhacday 15/8/2015-kii waxaane halkaasi Madaxweyne loogu doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam(Madoobe). MW-Axmed_Madoobe ayaa hadane waxaa dib loo doortay 23/8/2019-kii oo waxa uu fursad u helay inuu hadane Madaxweyne ka noqdo Jubaland afar sano oo kale,hadda oo la soo gaaray waqtigii Jubaland ey ka dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah ayuu MW-Madoobe wada dhaqdhaqaaq eysan jeclaysan siyaasiyiinta dhaliila Axmed-Madoobe taaso ah inuusan diyaar u ahayn qaban qaabinta doorashooyin ka dhaca Jubaland. Sida uu qabo dastuurka Jubaland MW-Axmed waxa uu xilkiisa ku ekaay 23/8/23-ka mana haayo dariiqii uu ku qaban lahaay doorashooyin waxa uuna ku dul meereysanayaa Mucaradkow kaalaya Kismaayo aan wada hadalnee.
ISHA/CAASIMADA.