SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MUCAARADKA DAWLADDA XASAN SHEEKH OO LABA GARAB NOQDAY.

(SAWIRKA)-MUCAARADKA DAWALADDA XASAN SHEEKH.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii uu xukunka dalka qabtay Md.Xasan Sheekh Maxamuud waxaa socotay mucaaradad ey hor boodayaan saaxibadiisa kula jiray dagaalkii lagu qaaday Farmaajo ilaa xukunka laga tuuro,mucaaradka MW-Xasan ayaa ku soo bilawday si tartiib ah waxa uuna kulamo ku soo yeeshay dalka dibadiisa taaso macnaheedu yahay in mucaaradka dawladda Xasan hogaaminaayo ey yihiin kuwa kala aragti duwan kuna daaban dawladdo kala gedisan sidaas darteedna eysan dhici karin iney isku aragti siyaasadeed qaataan. Mucaaradka MW-Xasan waxaa ugu tun weynaay markii uu bilaabanaayey koox uu hor boodaayo Ex-Madaxweyne Sh.Shariif eyna xubno ka yihiin Reysal Wasaarayaal hore sida Khayre,Cumar C/rashiid iyo C/weli Gaas. Mucaaradka ayaan noqon mid itaaleysta kuna fida dalka oo dhan gaarane maamuladda dalka ka jira waxaane taas loo sababeeyey in Mucaaradka iyo maamuladda dalka ka jiro yihiin dab iyo caws,in mucaaradku tabar yareeyo waxaa u sal ah Dhaqaalaha ey haystaan aan ahayn mid dagaal ey ku geli karaan,mucaaradka oo sidaas ahaay ayaa hadane waxaa soo dhexgalay Ex-Madaxweyne Farmaajo kaaso ey qaar ka mid ah mucaaradka ey ka tirsanayeen eedo fara badan iyo xadgudubyo uu u gaystay waqtigii uu dalka xukumaayey,hadaba maxaa sababay in Mucaaradku u kala jabo laba garab oo is diidan?

ISHA/CAASIMADDA.

RIIX HALKAN.