MOMBASA OO UU GAARAY BANAANBXII KENYA.
(SAWIRKA)-BANAANBAXYADA KENYA.
(MOMBASA)-Milkiilihii iska lahaay Meherad ku tiil Mombasa ayaa tirinaaya khasaare dhan ilaa 18-Milyan oo shilinka Kenya ah ka dib markii goobtiisa Ganacsi ey weerareen kooxo dabley ah Talaadadii shalay. Cismaan Maxa’uud Maxamed oo ah Milkiilaha Maqaayadda Qaffe Point ayaa waxaa qabtay Kaamirooyinka wax duuba isagoo Rasaas ku ridaaya dibad baxayaasha ka caraysan Canshuur kordhinta dalka Kenya,balse dad socdo dhacdadaan ayaa sheegaya inuu difaacayey Ganacsigiisa. Muuqalkan oo ah mid la xiriira dhacdadii shalay ka dhacday Mombasa ayaa muujinaayo nin magaciisa lagu sheegay Cismaan Maxa’uud Maxamed oo tooganaayo dad banaanbaxaayo oo dhagxaan ku tuuraayo isaga iyo goobtisa Ganacasiga.
ISHA/CITIZEN.