SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MINNEAPOLIS OO LA OGOLAADAY IN ADAANKA KOR LOO QAADO.

GUDAHA MASJIDKA ABUUBAKAR SIDIIQ.

(MINNEAPOLIS-USA)-Dalka Maraykanka waxa uu ka mid yahay wadamadda eey nool yihiin Muslimiin isaga kala timid adduunka dacaladiisa Muslimiintaas ayaa waxa eey ku kala gedisan halka eey ka soo jeedaan asal ahaan iyo afafkooda eey ku hadlaan balse waxa eey ka wada siman yihiin gudashada waajibaadkooda diiniga ah sida Shanta Saladood,Soonka iyo Labada Ciidood oo eey si wadajir ah ugu dabaal degaan. G/Minnesota ee dalkaas Maraykanka waxaa ku nool Soomalida ugu badan Maraykanka waxa eyna ka dhisen dhawr Masaajid kuna kala yaalo goobo kala gedisan,Masaajidaas ayaa waxaa dhib ku qabeen dadka la deriska ah oo ka dacwoon jiray codbaahiya Masaajidka marka la Adimaayo Salaada,arrintaan ayaa soo socotay in mudda ah waxa eeyn gaartay in la isla tago Maxkamad si looga gaaro go’aan kama dambaysa ah,hadaba Gugaan ayaa waxaa Magaaladda ugu weyn Maraykanka ee Minneapolis loo ogolaaday in Codbahiyaha lagu Adimo Shanta Salaadood waxaane Magaaladaas ku yaalo Masaajido fara badan oo gaaraayo ilaa 24-masjid.

XIGASHO AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.