MIDAWGA YURUB OO KULMI DOONO…
MIDAWGA YURUB.
(BRUSELLS)-Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee wadamadda Midawga Yurub ayaa maalinta Isniinta ah ee inagu soo socoto(24/4/23)-ka ku kulmi doono dalka Luxembourg si ey go’aan uga gaaraan xaaladaha ku soo korodhay dalalka Tunisiya iyo Sudan,dagaalka dalka Yukrayn,wasiiradda ayaa kulankooda ku bilaabi doono quraac midaynaysa madaxa golaha Yurub Marijo iyo wasiirka arrimaha dibadda Iceland Thordis .Wasiiradda ayaa ka hadli doono xiriirka Qaaradda Yurub iyo dalka Shiinaha,arrimaha amniga bariga dhexe gaar ahaan dagaalka dalka Sudan,waxaa kaloo laga yaabaa ineey meel mariyaan wareega 7-aad ee cunaqabtaynta Midawga Yurub saaray dalka Iraan ka dib markii dalka Iraan uu ku xadgudbay xuquuqda aadanaha.
ISHA WARKA AA.