MIDAWGA YURUB OO KA HADLAY ARRIMAHA SOOMAALIYA.
Labaatankii sano ee ugu dambaysay waxaa dalka soomaaliya looga dhaqmaayey doorasho dadban oo eey kaalin buuxda ku lahaayeen odayaasha dhaqanka soomaliyeed waxaane doorashadaas loo yaqaanaa”DOORASHADA DADBAN”. Dawladda hadda jirta ee uu waqtigeedu ku ekaay 8/2/2021-ka ayaa looga fadhiyey ineey dalka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah si looga maarmo odayashii dhaqanka loona gudbo xisbiyo badan kuna tartama xilalka ugu sareeyo dalka nasiib darase taasi ma aysan dhicin oo waxaa dib loogu laabtay doorashadii dadbaneed ayadii ayaan hadane la isku afgaran waayey waxayna arrinmi hadda taagan tahay waa in dalka laga badbaadiyaa dagaal kale oo ka dhaca waxayna taasi khasabtay in dawladaha kaalmeeyo soomaaliya soo farageliyaan ismari waaga taagan.
Midawga Yurub ayaa waxa uu ka hadlay ismari waaga ka taagan doorashad dalka soomaaliya waxa uuna sheegay maalintii shalay oo isniin ahayd in isafgarat la’aan ka jirto dalka soomaaliya taasoo si dhab ah u dabri doonto doorashada guud ee soo socoto. “Waa mid muhiim ah in la sii wado ku mashquulidda wada hadaladda si loo gaaro heshiis waxtar leh si loo fuliyo habkey doorashadda u dhici lahayd” sidaas waxaa yiri madaxa arrimaha dibadda Yurub Joseph Borell.XIGASHO ANADOLU.