MIDAWGA YURUB OO CUNAQABATAYNTII KA QAADAY..
CALANKA DALKA BURUNDI.
(KIGAKI)-Midawga Yurub ayaa maanta oo Talaada ah sheegay inuu cunaqabatayntii ka qaaday seddex qofood oo u dhashay dalka Burundi uuna ka jiro RW-Grvais Ndirakobuca,cunaqabatayntaan ayaa dulsaarneed seddex qofood muddo todobo sana ah ka hor ka dib markii eey sii xumaatay siyaasadda dalkaasi Burundi. Sannadkii 2015-kii,golaha Midawga Yurub ayaa cunaqabatayn dulsaaray masuuliyiin reer Burundi ah sida ka joojinta safarka iyo in la xanibo lacagahooda u taalo dibadaha,arrintaan ayaa timid markii eey dalka Burundi eey ka dheceen rabshado uu sababteeda iska leeyahay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Burundi Pierra Nkurunzia kaaso go’aansaday inuu kororsado muddo xileedkiisa ka dhammaaday.
ISHA WARKA AA.