SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MIDAWGA AFRIKA IYO MARAYKANAKA OO KA …

(SAWIRKA)-DHISMAHA URURKA MIDAWGA AFRIKA EE ADDIS ABABA.

(WASHINGTON)-Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa shalay oo Talaada ahayd isku raacay ineysan aqbaleynin in xoog ciidan lagu xaliyo dhibaatada dalka Niger. Wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken oo Telefoonka kula hadlay Xoghayaha Guud ee Ururka Midawga Afrika Moussa Faki ayaa isla qaatay go’aan ah”Iney tabasho ka qabaan waxa ka soo cusboonaaday dalka Niger”,waxa eyna labada masuul ku celceliyeen iney si wadajir ah Maraykanka iyo Midawga Afrika mudnaanta siinayaan sidii si dhaqsi ah loogu sii dayn lahaay Madaxweyne Maxamed Bazoum si deg deg ah lana ixtiraamo sharciga iyo kala dambaynta,amniga dadweynaha”sidaas waxaa laga sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka Mathew Miller.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.