SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

METSOLA OO DIB LOOGU DOORTAY AFHAYEENKA…

(SAWIRKA)-AFHAYEENKA BAARLAMAANKA MIDAWGA YURUB.

(FRANCE)-Sharci dejiyeyaasha Midawga Yurub ayaa Talaadada maanta ah si aqlabiyad leh ugu codeeyey Siyaasiyadda Muxaafidka ah ee ka soo jeedo Jaziiradda Malta Roberta Metsola in loo dhiibo xilli kale iney noqoto Afhayeenka Baarlamaanka Midawga Yurub. Metsola ayaa ku guuleysatay aqlabiyadda aad u weyn iyadoo heshay 562-Cod iyadoo Baarlamaanka ka kooban yahay 720-Xildhibaan marka la sameeynayey cod bixinta,waane fadhigii ugu horeeyey ee uu yeesho Baarlamaanka Midawga Yurub waxa uuna ka dhacay magaaladda Strasbourg ee dalka Faransiiska,Xildhibaanadda doortay Metsola ayaa ah kuwa cusub oo dhawaan ku soo biiray Baarlamaanka Midawga Yurub. Metsola ayaa ka tirsan koox Siyaasadeedka ugu weyn Baarlamaanka Midawga Yurub,waxa eyna Metsola noqon doontaa Madaxweynaha Baarlamaanka Midawga Yurub labada sano iyo barka soo socdo.

ISHA/AFP.