SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MESEGAWAY OO LAGU JEBIYEY ALSHAAAB.

MALEESHIYAADKA ALSHABAAB.

(SOMALIA)-Aroornimadii maanta oo Talaada ah(30/5/23)-ka ayaa waxa uu dagaal ka dhacay degaanka Mesegawaay ee gobolka Galgaduud batamaha dalka Soomaaliya,saraakiil ka tirsan hayadaha amniga oo la hadlay idaacadda VOA-da laanteed Afka Soomaaliga ayaa sheegay in Mesegwaay uu ka dhacay dagaal qaraar ka dib markii ey soo weerareen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab. Saraakishaan ayaa sheegay in maleeshiyaadka Alshabaab soo galeen magaaladda xerada ciidamadana ey ka qaateen baabuur. Mid ka mida saraakiisha la hadashay VOA-da ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Alshabaab ey ka horyimaadeen ciidamo ka soo gurmaday degmada Ceeldheer kuwaaso dagaal xoogan la galay kooxda Ashabaab,waxa eyna ciidankaasi ku guulaysteen iney kooxda Alshabaab kala wareegaan hubkii iyo baabuurtii ey ka qaateen saldhigii ey weerareen waa sida uu sheegay sarkaalka. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u sheegtay in ciidamadda dawladda ey fashiliyeen weerar ey Alshabaab ku soo qaadeen magaaladda Mesegawaay ee gobolka Galgaduud maamulka Galmudug. War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dawladda ey sii ogaayeen weerarka ey damacsan yihiin kooxda Alshabaab ka dibne ey ka hortageen. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamadda dileen in ka badan sodon maleeshiyo kana tirsan Alshabaab eyna qabsadeen seddex baabuur oo ey adeegsanaayeen,dawladda ayaa intaas raacisay in dhinaceeda ey ku dhaawacmeen seddex askeri. Wararka ku saabsan dhimashada ey kala sheeganayaan labada dhinac ayaa ah kuwa aan lxaqiijin karin dhab ahaantooda. Dadka degaanka ku sugan ayaa xaqiijiyey in magalaadada Mesegawaay uu ka dhacay iska horimaad ka dib markii ey kooxda Alshabaab soo weerartay. Dhinaca kale,hawlgalka Midawga Afrika Atmis ayaa sheegay ciidamadda dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Atmis oo iskaashanayo iney sameeyeen hawlgal wadajir ah ey kaga dabatageen maleeshiyaadka Alshabaab ee Jimcihii weerarka ku soo qaaday taliska ciidamadda Atmis ee magaaladda Buulo-Mareer. War ey Atmis ku baahisay barteed Twitter-ka ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasi lagu dilay tiro door ah kana tirsan Alshabaab,islamarkaasne laga furtay hubkii ay ka soo qaateen xerada ciidamadda ee Buulo-Mareer. Dawaladda Ugandha ayaa gudi ciidan u soo diray Soomaaliya si ey baaraan sida weerarkaasi u dhacay.

ISHA WARKA VOA-SOMALI.