MCAAWIISLEYD KOONFURTA MUDUG OO QABTAY…
(SAWIRKA)-DHAGAR QABE FARXAAN OO LA QABTAY.
(GALKACYO)-Wararka laga helaayo Koonfurta Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in Macaawiisleeyda degaankaasi iney gacanta ku soo dhigeen Madaxii Sirdoonka ee kooxda Alshabaab u qaabilsanaay inuu soo basaaso shacabka dega Koonfurta Mudug,dhagar qabahaan la soo qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay in la yiraahdo Farxaan Shalaange kaaso waqtiga la soo qabanaayey ku mashquulsanaay hawl sahmin ah uu ka weday Baadiyaha degaanka Bacaad Weyn ee dhaca Koonfurta Mudug. Dhagar qabe Farxaan ayaa arrintiisa waxaa ka hadlay Madaxa Macaawiisleyda Koonfurta Mudug Gureey Nuur, waxa uuna sheegay Gureey Nuur in Dhagar qabe Farxaan lagu soo qabtay hawlgal qorsheysan ka dib markii la helay xog ah in dhagar qabe Farxaan ku soo fool leeyahay Baadiyaha Bacaad weyn. Si kastaba ha ahaatee koonfurta Mudug iyo Bariga Galgaduud ayaa ah goobaha ey kooxda Alshabaab kaga sugan tahay maamulka Galmudug,waxaane jira tuhuno fara badan oo ku saabsan hogaanka dagaalka Alshabaab ee ka socdo Galmudug waayo dagaalka ayaa istaagay ka dib markii uu Madaxweyne Xasan Sheekha uu ka safray caasimadda Galmudug ee Dh/mareeb, waxaane laga soo baxay dhul balaaran oo kooxda laga qabsaday rag fara badane ey ku dhinteen sida AUN-Taliye Suulnuug, in dhulkii la xureeyey laga soo baxo waa mid caadi ka ah maamulka Galmudug oo horay waxaa looga soo baxay Bariga Galgaduud.
ISHA/CAASIMADDA.