SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAXKMADDA DARAJADA KOOBAAD EE CIIDAMADDA QS OO XUKUN KU…

(SAWIR)-KA.DABLE DAA’UUD BASHIIR COLOW.

(MUQDISHO)-Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad,Ururka 3-aad ee Abuu Dujaan ayaa loo haystaa inuu dil bareer ah u gaystay marxuum Sacad Cabdi Muuse,inuu baxsad ka ahaay goobtiisa shaqo oo ah Degaanka Shabeelaw ee Gobolka Galgaduud,lunsasho hanti dawladeed,Qalqal goob Ganacsi,Xatooyo xoolo ciidan iyo jebi xeerka Xakamaynta hubka ee caasimadda Muqdisho. Seddexdii bishii afraad ee sannadkan 2024-ka kaliya muran dhinaca kala horeynta timo jare ayaa keenay in Eedeysane Daa’uu Bashiir Colow uu madaxa xabad kaga dhufto marxuum Sacad Cabdi Muuse,falkaan ayaana ka dhacay degmada Dharkinleey ee G/Banaadir. Todobada bisha shanaad ee sannadkan 2024-ka Maxkamadda Darajadda koobaad ee Ciidamadda Qalabka Sida oo dhegaysatay kiiskaan waqti ku filane siisay dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyntii maanta oo Taariikhdu tahay 18/5/2024-ka ku xukuntay dable Daa’uud Bashiir Colow dil Toogasho taaso ah Qisaastii Marxuum Sacad Cabdi Muuse.

ISHA/RADIO SNA.