SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAXKAMADDA ICC-DA OO WAARAN SOO QABASHO U JARTAY…

(SAWIRKA)-HIBAULLAHI.

(AFGHANISTAN)-Tan iyo markii ey xukunka dalka Afgaanistaan la wareegtay kooxda Taalibaan Agoosto-2021-kii,dalka Afgaanistaan waxa uu galay xaalad adag oo dhinacya badan leh eyna ugu horeyso Xuquuqda Gabdhaha oo la xakameeyey ka dib markii loo diiday ineey aadaan shaqo ama iney wax ka bartaan Dugsiyadda Sare iyo Jaamicadaha dalkaasi. Kooxda qabsatay dalka Afgaanistaan ayaa dagaal adag waxa ey kula jirtay xulafada uu hogaaminaayey Maryakanka muddo dhan labaatan sano oo xiriir ah. Dalka Afgaanistaan waxaa weli ka taagan colaado u dhexeeyo kooxihii shalay isu beheystay la dagaalanka isbahaysiga Maraykanka uu hogaaminaayo sida AL-Qaacidda iyo Daacish. Hadaba Dacwad Oogaha Maxakamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) Karim Khan ayaa ku dhawaaqay maanta oo Khamiis ah inuu soo saaraayo Waaran lagu soo qabanaayo Hogaamiyeyaasha sar sare ee kooxda Taalibaan kuwaaso lagu eedeynaayo iney dumarka silciyeen taas ah dembi ka dhan ah Bani’adanimada. Amarka Xariga ayaa lagu codsaday Hogaamiyaha ugu sareeyo kooxda Taalibaan Hibatullahi Akhandzadah iyo Madaxa Maxkamadda sare ee Taalibaan C/xakiim Xaqaani,sida uu xaqiijiyey Madaxa dacwad Oogaha Maxkamadda ICC-da Karim Khan. Dukumintigu waxa uu sheegay in Xeer ilaaliyuhu uu leeyahay sababo macquul ah oo uu ku aamino in labaduba ey dembiilayaal yihiin loona haysto iney galeen dembiyo ka dhan ah Bani’adanimada ee qaabka cadaadiska la xiiro Jinsiga.

ISHA-AA.