SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAXKAMADDA GOBOLKA BANAADIR OO XUKUNTAY….

(SAWIR)-KA. AGAASIMYEYAAL DEMBI LAGU WAAYEY.(BIDIX) CABDUL,SAABEEY IYO KOOFI.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Maxkamadda Gobolka Banaadir ey maanta ah waxa ey soo afjartay dacwad loo haystay Masuuliyiin iyo shaqaale ka kala tirsan Hayaddaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Wasaaradda Maaliayadda ee XFS,Bangiga Dhexe iyo Xafiiska Hanti dhawraha Qaranka, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda G/Banaadir Md.Saalax Dabaan 11-Qof ayey Maxkamdu Go’aan ka soo saartay kuwaaso ey ku jiraan Agaasimeyaashii Hore ee Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya kalana ah Md.Koofi iyo Md.Cabdul,Maxkamadda ayaa sidoo kale waxa ey debi ku weysay Agaasimihii hore ee Canshuuraha Berigga ee Wasaaradda Maliyadda ee JFS Md.Muxyadiin Xasan Jurus(Saabeey). Dadka kale ee iyaga Dembiga lagu waayey ayaa waxaa ka mid Agaasime Ku-Xigeenkii hore ee Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Md.Cismaan Xasan Cosoble iyo Agaasimhii hore ee Waaxda IT-da ee Xafiiska Hanti dhawraha Qaranka Md.Cabdalla Maxamed Axmed, sidoo kale waxaa iyagana dembi lagu waayey Jacfar Maxamed Axmed oo ah sarkaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda XFS, C/kaafi Xasan Maxamed ahne sarkaal ka tirsan Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed. Waxaane xukuno kala duwan lagu kala xukumay Agaasimihii hore ee Waaxda Ajaanibta ee Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Md.C/raxmaan Maxamed Cali Caadle (Maqane) waxaa lagu xukumay afar sano oo xabsi ah, Madaxii hore ee Xaqiijinta Dukumintiga Codsiga fiiso kordhinta Ajaanibta ee Waaxda Ajaanibta ee Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaliya Md.Abuukar Xasan Adan(maqane) ah waxaa lagu xukumay afar sano oo xabsi ah, Khasnajiga Qeybta Dakhliga Ajaanibta Laanta Bangiga dhexe ee Garoonka Adan Cadde Md.C/laahi Daahir Wehliye(Maqane) ah waxaa lagu xukumay seddex sano oo xabsi ah. Maxamed Ibrahim Axmed oo ah sarkaal ka tirsan Hayadda Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliyeed (Maqane) ah ayaa isne waxaa lagu xukumay afar sano oo xabsi ah,Md.Maxamed Xuseen Negeeye(Maqane) ahne sarkaal ka tirsan Hayadda Socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliyeed oo ah Maqane ayaa isne waxaa lagu xukumay Xabsi dhan laba sano.

ISHA/SB-MEDIA.