MAXKAMADDA CQS OO XUKUN ADAG KU RIDAY JAAJUUS.
(SAWIRKA)-DHAGAR QABE KA TIRSAN ALSHABAAB.
(MUQDISHO)-Wararka ka imanaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Maxkamadda Ciidamadda Qalabka ee Soomaaliya ey maanta qaaday go’aane ey ka gaartay dacwad loo haystay Eedeysane Maxamed Cali Xirsi Diirshe,Eedeysanahaan ayaa lagu soo Eedeyey inuu Jaajuus u ahaay koxda AL-shabaab waqti uu Saraafle ka ahaay degaanka Ceelahsa Biyaha ee duleedka magaaladda Muqdisho. Maxa’ed Cali Xersi Diirshe ayaa gabaad waxaa u ahaay goob yar oo ganacsi ey kooxda AL-shabaab uga furtay degaanka Ceelasha Biyaha,waxa uuna kooxda AL-shabaab u gudbin jiray xogaha la xiriira Ciidamadda ka baxa caasimadda Muqdisho kuna wajahan Goblka Shabeeladda Hoose,waxa uuna sawiro ka qaadi jiray ciidamadda maraaya wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobolka Shabeeladda Hoose si uu ula socodsiiyo kooxda AL-shabaab. Maxamed Diirshe ayaa kooxda AL-shabaab ku biiray/ka mid noqday sannadkii 2012-kii waxaane ku tashkiiliyey Yuusuf Xasan Ibraahim kaaso horay ey Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ey ku xukuntay Xabsi ciidan oo dhan 10-sano,Yuusuf ayaana Maxamed ku daray qeybta Jaajuusnimada ee ALshabaab iyo tuuridda Bambooyinka gacanta oo lagu tuuro Ciidamadda Amanaanka DFS. Taariikhdu markeey ahayd bishii Lixaad ee sannadk-2023-kii Maxamed waxa uu Bam Gacmeed ku tuuray saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka degaanka Ceelasha Biyaha oo xilligaas ku sugnaay goob timaha lagu jaro,sidoo kale,Maxamed waxa uu Bam gacmeed ku tuuray goobo ey ka mid yihiin Alnasi-3 iyo Hotel-ka Musdalifa oo dhaamantooda kuwada yaalo degaanka Ceelasha Biyaha. Dhammaan falalka Argagixisinimo ee uu gaystay Maxamed Cali ayaa waxaa ku dhaawacmay seddex ruux oo laba ka mid ah ey yihiin Dumar,intaas ka dib, Maxamed Cali Diirshe ayaa u cararay degmada Janaale ee Gobolka Shabeeladda Hoose ka dib markii Ciidamadda Amniga ey soo qabteen Yuusuf Xasan Ibraahim oo ahaa Horjoogihiisa, afar bilood ka dibne waxa Maxamed uu ku soo laabtay degaanka Ceelasha Biyaha isagoo sii watay dhagartiisa waxaane markaan Horjooge looga dhigay nin lagu magacaabo Nabadoonka. Hayadaha Amniga oo ku raad joogay Maxamed Cali Xirsi Diirshe ayaa degaanka Ceelasha Biyaha Maxamed ka soo qabtay Taariikhdu markey ahayd 11/12/2023-kii. Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamadda Qalabka Sida ayaa codsaday qaadista Kiisakaan,waxaane laga ogolaaday Taariikhdu markeey ahayd 10/3/2024-ka. Garsoorka Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida oo waqti filan ku siiyey dhinacyadad dacwada ey khuseyso ayaa ugu dambeyntii maanta oo Talaada ah kuna beegan 23/4/24-ka ku xukuntay Maxamed Cali Xirsi Diirshe Xabsi ciidan oo dhan 15-sano,sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Garsoore G/Le.Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Darajadda koobaad ee Ciidamadda Qalabka Sida
ISHA/RADIO SNA.