MAXKAMADDA CIIDAMADA QALABKA SIDA OO RIDDAY…
(SAWIRKA)-HORJOOGIHII SHABAKADA MAANTA LA XUKUMAY C/RAXIIN MACRUUF.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Maxkamada Ciidamadda Qalabka Sida ee Darajada koobaad ey maanta oo Axad ah(12/11/23)-ka Xukuno kala duwan ku ridday dad la sheegay iney ka tirsanayeen Maamulka degmada Hodon ee Gobolka Banaadir,dadkaan ayaa xilal kala gedisan waxa ey ka haayeen degmada Hodan sida gudoomiye Waaxeedyo,tiradda dadka maanta la geeyey Maxakamadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa ka kooban ilaa 11-qofood kuwaaso sideed ka mid ah ey yihiin Rag halka seddexda kale ey yihiin Dumar. Maxkamadda Darajada Koobaad ee Ciidamadda Qalabka Sida ayaa dadkaasi waxa ey ku kala xukuntay xukuno u dhexeeyo hal sano ilaa toban sano xabsi ciidan ah,waxaane xabsiga laga sii daayey laba eedeysane oo lagu waayey waxyaabihii lagu soo eedeeyey waxa eyna labadaan qofood kala yihiin”Asiili Maxamed Dhicisaw iyo Xasan Maxamed Ibrahim(Xasan Kacaan).
ISHA/CAASIMADA.