SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAXKAMADA SARE EE PAKISTAN OO WAR KA SOO….

ARSHAD SHARIF.

(ISLAMABAD)-Maxkamada ugu sareyso dalka Pakistan ayaa maanta oo Talaada ah qaadatay ineey gudbiso ogaysiska”SUO MOTO”kuna saabsan dilkii foosha xumaay ee lagula kacay saxafigii caanka ahaay ee reer Pakistan Arshad Sharif gudaha dalka Kenya waqtigii eey dalkaasi ka socotay doorashada Madaxweynaha,xukuumadda Pakistan ayaa la amray ineey soo gudbiso gal dacwadeed caawa. Fadhi ey ka wada qeybgaleen Maxkamada sare iyo madaxda sare ee hayadaha cadaaladda Cumar Ata Bandial ayaa lagu dhegaystay dacwada la xiriirto dilka saxafiga waxa eyna soo saareen go’aan ah in xukuumadda Federaalka Pakistan xareyso gal dacwadeed kuna soo darto warbixintii ugu horeysay ey heshay(FIRST INFORMATION REPORT) ka dib 43-berri markii uu dhacay dilkii lagu bartilmaameedsaday saxafiga gudaha dalka Kenya.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.