SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAXKAMADA G/BANDIR OO RIDAY XUKUNO KALA…

(SAWIRKA HAYADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADAHA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Md.Saalax Dabaan ayaa maanta oo Khamiis ah(28/9/23)-ka go’aan ka gaaray kuna dhawaaqay xukuno lagu riday Masuuliyiin iyo Saraakiil u xirnaay Musuq-Maasuq,xubnaha uu xukunka ku dhacay ayaa ka kala tirsan Wasaaradaha Maaliyadda,Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,Bangiga Dhexe iyo Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed,dadka la xukumay maanta ayaa qaarkood ey yihiin kuwa ka maqan cadaaladda horteeda(Maqanayaal),waxaane dadkaan qaarkood lagu helay dembiyadii loo haystay kuwa kalane waxaa lagu waayey dembiyadii loo haystay,dadka la xukamay maanta ayaa tiro ahaan dhan ilaa kow iyo toban qofood:

(1)-C/laahi Maxamuud Cosoble,Agaasimihii Waaxda Ajaanibta ee Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya,waxaa lagu xukumay hal sano oo Xabsi ah(Qabiilkiisa/Murusade).

(2)-Cumar Macallin Nuur,Agaasime ku xigeenka Waaxda Ajaanibta ee Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya,waxaa lagu xukumay hal sano oo Xabsi ah(Qabiilkiisa/Abgaal).

(3)-Saabir Xasan C/nur,Madaxii hubinta fiiso kordhinta ee Waaxda Ajaanibta ee Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed,waxaa lagu xukumay seddex sano iyo lix bilood oo Xabsi ah(Qabiikiisa/Habar Gidir).

(4)-Aden Maxamed Cabdi,Madaxii qaadashada Fiisaha ee Waaxda Fiiso kordhinta ee Hayadda Socdaalak iyo jinsiyadaha Soomaaliyeed,waxaa lagu waayey dhammaan eedeymihii loo soo jeediyey,waxa eyna Maxkamada Gobolka Banaadir dib ugu celisay Xuriyadiisii(Qbiilkiis/Mareexaan).

(5)-C/raxmaan C/karin Ibrahim,waxa uu ahaay Madax qeybeedka Ruqsa siinta Ajaanibta ee Waaxda sharciga Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya,waxaa lagu xukumay sagaal sano oo Xabsi ah,waxaane laga joojiyey qabasada xafiis dawladeed si joogta ah,ninkaan ayaa cadaaladda baxsad ka ah(Maqane),(Qabiilkiisa/Reer Aw Xasan).

(6)-C/waaxid Mursal Ibrahim,waxa uu ahaay shaqaale ka tirsan qeybta Ruqsad siinta Ajaanibta ee Waaxda Sharciga Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,waxaa lagu waayey dhammaan eedeymihii loo soo jeediyey, waxayna Maxkamada Gobolka Banaadir dib ugu celisay xuriyadiisii,ninkaan ayaa baxsad ka ahaay cadaaladda(Maqane),(Qabiilkiisa/Lama hayo).

(7)-C/laahi Maxamed Cali,Agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,waxaa lagu waayey dhammaan edeymihii loo jeediyey,waxayne Maxkamada Gobolka Banaadir dib ugu celisay Xuriyadiisii,(Qabiilkiisa/Sheekhaal Jaziira).

(8)-Maxamed Cadde Mukhtaar,Agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,waxaa lagu waayey dhammaan edeymihii loo soo jeediyey,Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa dib ugu celisay Xuriyadiisii,(Qabiilkiisa/Banaadiri).

(9)-Abukar Maxamed Cali(Cagaweyne),Maamulaha Xafiiska Canshuuraha beriga ee Wasaaradda Maaliydda ee DFS laanteeda Garoonka Aden Cadde,waxaa lagu xukumay 8-sano oo Xabsi ah sidoo kale waxaa laga joojiyey qabashada xafiis dawladda leedahay si joogta ah,(Qabiilkiisa/Abgaal).

(10)-C/qaadir Cabdi Socdaal,waxa uu ahaay Khasnajiga qeybta Dakhliga Ajaanibta ee Bangiga Dhexe laantiisa Garoonka Aden Cadde,waxaa lagu waayey dhammaan eedeymihii loo soo jeediyey,waxayne Maxkamada Gobolka Banaadir dib ugu celisay Xuriyadiisii,(Qabilkiisa/Murusade).

(11)-Maxamed Aden C/laahi,waxa uu ahaay maamulihii Bangiga Dhexe ee Garoonka Aden Cadde,waxaa lagu xukumay sideed bilood oo Xabsi ah,(Qabiilkiisa/Isaaq).

ISHA/SB-MEDIA.