MAXKAMADA G/BADAIR OO MAANTA U FARIISATAY DACWADII NINKI GUBAY XAASKIISA.
(SAWIRKA)-CARUURTII EY KA DHIMATAY MARXUUMAD LUUL C/CASIIS.
(MUQDISHO)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa si aad ah baraha bulshada ey Soomalaidu ku sheekeysato si aad ah looga hadal haayey Maxkamad keenidda Gacan ku dhiigle Sayid Cali Macallin Da’uud oo Gubay Xaaskiiska oo u leheed Uur Lix bilood ah,eedeysanaha ayaa laga soo qabtay degaano ka tirsan maamulka Galmudug ee isagu uu ka soo jeedo degaan ahaan,eedeysanaha ayaa baaris dheer ka dib waxa uu maanta oo Arbaca ah kuna beegan 21/2/24 ka soo hor muuqday Maxkamadda Gobolka Banaadir waane dhegaysigii ugu horeeyey lana xiriiro dacwadaan. Dhegaysiga dacwada ayaa waxaa la hor keenay Maxkamadda Caruur ey dhashay Marxuumad Luul si wax looga weydiiyey sida ey wax u dheceen waxa ey iyaga indhahooda ku arkeen,waxaane si dareen leh Makamadda horteeda uga hadashay Farxiyo C/risaaq oo toban sano jir ah oo ey dhashay Marxuumad Luul ayaa tiri” Waxaan arkay Hooyadeey oo Holceyso oo banaanka joogto,waxaa inoo yimid ninkii Gubay hooyo isaga oo dhacdhacaayo,hooyo inteysan dhimane waxa ey inagu tiri I Cafiya haddii aan dhinto”,fadhiga kale ee dacwadaan ayaa loo balansan yahay in la isugu yimaado maalinta Isniinta ah ee soo socoto kuna beegan 26/2/2024-ka. LA SOCOD WACAN.
ISHA/CAASIMADDA.