SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAXKAMAD KU TAALO TAYAANIGA OO XUKUN KU…

(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL LA SOO BADBAADIYEY.

(ROME-ITALY)-Maxkamadda Sare ee Racfaanka ee dalka Talyaaniga ayaa dhawaan sheegtay iney sharci darro tahay in dadka tahriibayaasha ah ee ka imaanaaya dhinaca badda dib loogu celiyo dalka ey ka soo tahriibeen ee Liibiya iyadoo go’aankaasi ey amaaneen Ururadda Samafalka iyo kuwa Xuquuql insaanka. Maxkamadu waxay taageertay xukunkii lagu riday kabtanka Markabka ASO-28 kaaso sannadkii 2018-kii soo badbaadiyey 101-tahriibayal ah oo la socday dooni caag ah dibne loogu celiyey dalka Liibiya. Maxkamadda ayaa sheegtay in dadka la soo badbaadiyey ey ka dhacday biyaha caalamiga ah oo qiyaastii 105-kiilomitir u jira dalka Liibiya. Maxakamadda ayaa intaas ku dartay in haween uur leh iyo caruur ey ka mid yihiin tahriibayaasha. Kabtanka Markabka oo magaciisa la qariyey intii uu xukunka dhacaayey sababo qarsoodi ah ayaa lagu xukumay hal sano oo xariga ah,waxaane lagu helay dembiyada ah dayacaad caruur yar yar ama dadka nugul ka soo dejinta Markabka iyo dayacaad ula kac ah ee shaqsiyaadka.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.