MAXAY QOONSADEEN XILDHIBANADA DANLEYDA AH?
DOOLARKII LOO DIYARIYEY DUMINTA XUKUMADDA DANQARAN.
(MUQDISHO)-Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 15/5/22-kii isagana uu bil ka dib magacabay Reysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre waxaa dalka loo dhisay xukuumad la magac baxday DANQARAN,Xukuumadaan ayaa xooga saartay sidii dalka looga xureyn lahaay Alshabaab shacabka Soomaaliyeedna ugu noolaan lahaay nabad iyo deganaasho waarta. Waxaa soo dhammaaday wejigii koobaad ee dagaalka Alshabaab waxaane hadda loo jihaystay wejigii labaad ee dagaalka Alshabaab looga xureynaayo degaanada ey weli dalka Soomaaliya kaga sugan gaar ahaan Goboladda Koonfureed ee Somaliya. Alshabaab ayaa maanta hal degmo ka haysan maamuladda Hirshabeele iyo Galmudug waxa eyna Alshabaab soo faaruqiyeen dhammaan dhulkii ey ka talinayeen muddo dhan 15-sano oo xiriir ah,shacabkii deganaay degaanadaas ayaa maanta ku nool xuriyad buuxda mana ey jirto cid ugu caga-juglaynaysa qoorta ayaa la idinka jaraa haddii kale keena caruurtiina si loo askareeyo,waa u guul Xukuumadda DANQARAN laakinse yaa diidan iney guulahaan gaaraan shacabka weli ku hoos nool Alshabaab? Hadaba maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada ka dhex jirtay hadal haynta MOOSHIN lagu ridaayo Xukuumadda DANQARAN ee uu hogaamiyo Reysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre,arrinkaan ayaa laga soo xigtay Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir(Maareye) oo bartiisa Facebook-ga ku soo qoray qoraal ku saabsan Mooshinka,Maxay dhibsadeen kuwa wada Mooshinka? Shacabku waxa ey joogaan Reyn-reyn iyo farxad eysan arkin in mudda ah waayo MW-Xasan Sheekh Maxamuud iyo Reysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre lama arag iyaga oo habeen barkii isu tuurayo Wiifto muddo sannad ku dhaw ey fadhiyeen xafiika,taas bedelkeeda Xildhibano ayaa ka xun arrintaan wanaagsan ey sameyeen labadaan masuul. Xildhibaanada wada Mooshinka ayaa raba iney qoorta isu geliyaan seddexda masuul ee ugu sareyso dalka Soomaaliya ayagoo danta ey ka leeyihiin ey tahay si loo joojiyo dagaalka Alshabaab,Deyn cafinta iyo soo celinta Amniga Caasimadda Muqdisho oo hadda u muuqdo inuu ka soo raynaayo. Waa dhab iney jiraan Xildhibaano iyo dulaaliin danley ah gacan saarna la leh kooxda Alshabaab kuwaaso aan rabin in dalka Soomaaliya laga sifeeyo Argagixisada Alshabaab iyo Daacish, waxa eyna ku xajiimoodaan(Alergic) Nabada iyo Horumarka shacabka Soomaaliyeed uu gaaray muddada sannadka ka yar, danleydaan u abaabulan sida Gangistarada sheeganayana Xildhibaano iyo dulaaliinta dabda ka riixayso ayaa ka soo horjeedo dhammaan talaabooyinka loo qaaday dhanka wanaaga waxa eyna rabeen in RW-Xamsa uu nodo mid ku jiro jeebkooda kana amar qaato ayaga.
LA SOCO QEYBTA-2-AAD.