SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAXAAD KALA SOCOTAA XARUNTA DHAQAN CELINTA IRSHAAD?

XAWIRKA XARUNTA IRSHAAD EE ISLI NAIROBI.

(NAIROBI)-Waxyaabaha laga dhaxlay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya waxaa ka mid Qax soo fooda saaray ummaddii Soomaaliyeed oo dhan yar iyo weyn dhallinyaro iyo waayeel,dadkaan dalkoodii ka qaxay waxa eey degeen dalal kale oo aan ku Dhaqan,Diin iyo Afba ahayn waxayna halkaasi ka dhigteen saldhig nabadeed eey alle ku sugi karaan inta geeridu uga imaaneyso,wadamadaas shisheeye waxaa ku dhashay ubad kuna barbaaray balse eey soo wajahday dhaqamo aan ka jirin Soomaaliya oo eey ku hafteen markii danbane eeyba ku biireen,dhaqamadaas xun ee aan Soomaliya laga aqoon waxaa ka mid ah Isticmaalka Maandooriyaha nuucu doono ha noqdee. Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhalatay Yurub iyo Maraykanka ayaa la qabsaday nolosha kuwa iyaga la filka ah una dhashay dalka eey u soo qaxeen,hadaba waalidiinta dhashay caruurtaas la duufsaday ayaa doorbiday ineey caruurtooda geeyan goobaha dhaqan toosinta ee ka kala jira Soomaliya iyo Kenya goobahaaso qaarkood ayeysan ka warqabin dawladaha Soomaaliya iyo Kenya waxa ka jira gudahooda, IRSHAAD waa xarun dhaqan celin kuna taalo dalka Kenya gaar ahaan xaafadda Soomaalidu u badan tahay ee ISLI,waxaane dhawaan laga soo daayey wiil Somali-American ah lana yiraahdo C/risaaq Aadan Axmed, wiilkaan hooyadiis ayaa bixin jirtay lacag dhan $600 bishiiba siina jirtay xarunta Irshaad ee magaaladda Nayroobi ee dalkaasi Kenya si wiilkeeda loo baro dhaqanka suuban ee Soomaalida iyo kan Islaamkaba.

ISHA WARKA CAASIMADDA.

HALKAAN KA SII AKHRI.