SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAXAA XALAY KALA QABSADAY DENI IYO GUDIGII BAARLAMAANKA?

(SAWIRKA)-DENI IYO BAARLAMAANKA PUNTLAND.

(GARAWE)-Damaca Deni miyuu dumin doonaa dawladnimada Puntland? Haddii aan dib ugu noqono dhismaha maamulka Puntland waxa aan xusuusaneynaa in maamulkaan laga soo maray dhib badan sidii uu isugu taagi lahaay cagahiisa una nqon lahaay mid meel mariya ujeedooyinkii loo abuuray ee ahaay in shacabka dega degaanada Puntland helaan Nabad waarta iyo Horumar dhinac walba ah,maamulka Puntland waxaa la dhisay sannadkii 1998-dii oo hadda waa 25-sano jir oo ah rubuc qarni,Miyuu mudan yahay maamul intaas sano jira in maanta afka ciida loo daro? Jawaabta caqliga saliimka ah waa Maya,ma si weydiisay wixii xalay kala Qabsaday MW-Deni iyo Gudiga uu Baarlmaanka Puntland u saaray doorashada Qof iyo Cod ah? Mw-Deni ayaa xalay kulan Qarsoodi ah la yeeshay gudi gaar ah oo Baarlamaanka Puntland uu u xilsaaray ka shaqeynta Xeerka Doorashooyinka Qof iyo Cod oo ey soo gudbisay Xukuumadda Puntland. MW-Deni oo kulanka ka hadlay ayaa gudiga u sheegay ineysan Dawladda Puntland uu Madaxda ka yahay eysan wax wada Hadal iyo Gorgortan ah ka geli doonin socodsiinta Doorashada Qof iyo Cod,sidaas darteedna uu MW-Deni doonaayo in Baarlamaanka Puntland inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u Ansixiyo xeerka Doorashooyinka. Wararka laga helaayo kulankaasi Qarsoodiga ahaay ayaa xaqiijiyey in MW-Deni uu gudiga ka dalbaday in la kala qaado Doorashada Madaxtooyada iyo tan Baarlamaanka isla markaasne Doorashada Madaxweynaha Puntland loo daayo ineey dhacdo 25/2/24-ka(Waa qorshihii hore) mida Baarlamaankane dib loo dhigo Muddo laba sano ah(Waa hadafka Deni). Talaabadaan ayaa ah mid imaaneysa ayadoo magaaladda caasimadda ah ee Garawe si aad ah looga dareemaayo xiisad colaadeed oo ka dhalatay Doorashada Puntland ee sannadka 2024-ka,doorashadaan ayaa Muran gaaray gacan ka hadal waxa ey ka dhex dhalisay Maamulka uu hogaamiyo Deni iyo Mucaaradka Puntland inkastoo ey hadda Garawe ey ka socdaan dadaalo fara badan oo looga hortegaayo in mar kale la isku fara saaro caasimadda Garawe.

ISHA/SBM.

SOMALIA.