SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

Maxaa soo kordhay?

Maanta waxaa qabsoomay shirkii todobaadlaha ahaay ee golaha wasiiradda soomaaliya,shirka ayaa diiradda lagu saaray doorshadda dalka ka dheceyso 2020/2021-ka,nuxurka hadalka R/wasaaraha ayaa ahaay:

1-In doorashada eey ku dhacdo waqtigii loogu talagalay lagana fogaado in lagu shaqeeyo fikir ku saleeysan muddo kordhin sababtoo ah muddo kordhintu waxay horseedi kartaa qalalaase siyaasadeed,mid amni iyo mid dastuur.

2-In doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo mid wadatashi ku salaysan si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka soomaaliyeed.

Hadalkaan uu maanta ka dhawaajiyey R/w-khayre ayaa ah mid dhabarka ka jebiyey damacii Madaxweyne Farmaajo ka qabay in waqtiga loo kordhiyo labada gole ee hadda jira,isla markaasne hadalka R/w-khayre ayaa madaxa ciida uga soo qaaday mucaaradka aan midaysneeyn ee kala aragtida ah. Xulafadii shalay soo wada shaqeeysay ayaa maanta waxa u bilawday kala shakin,kala qeybsanaan iyo is khaarijin laga yaabo ineey dhexdooda ka dhacdo bacdamaa eey horay si wadajir ah wax u soo halaageen iskana haayaan siro kala duwan,ilamana aha in Villa-da cabsi la’aan lagu sii wada deganaado marka laga bilaabo maanta oo khamiis ah kuna beegan 9/7/2020-ka. Xildhibaanadii shalay si dadban uga soo horjeeday raysal wasaaraha kuna reer ah madaxweyne Farmaajo ayey arrintaan fursad u tahay ineey qaadaan olole ku lid ah raysal wasaaraha inkastoo mooshin laga keeno raysal wasaaraha uusan noqon doonin mid mira dhal ah waayo golaha wasiiradda dhexdooda ayey ka jirtaa kala qeybsanaan xoogan ka hor inta aan loo gudbin xildhibaanada,balse dooda ugu badan ayaa noqon doonta intee ayey ku qaadan kartaa in madaxweyne Farmaajo ka aarsado R/wasaare Khayre kuna dhufto dharbaxyo siyaasadeed uusan ka soo waaqasan,magacaabidda raysal wasaare cusub ma aha xal maanta loo baahan yahay si looga gudbo caqabadaha taagan waayo halka uu raysal wasaaraha ka imaanaayo waa isla beeshii uu ka soo jeeday R/wasaare khayre(Hawiye) bacdamaa dawaladda federaalka soomaaliyeed eey ku dhisan tahay nidaamka awood qeybsiga(4.5),waxaane dhici karta in golaha wasiiradda cusub noqdaan kuwa laga keeno meel banaanka ka ah baarlamaanka kuwii horane uu daadku qaado,la arki doonee halka eey salka dhiagato siyaasadda dalka soomaaliya.