MAXAA SOO KA KORDHAY DAGAALKA ALSHABAAB?
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH OO GAARAY A/YABAAL.
(A/YABAAL)-Tan iyo markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Xoogaga Degaanka ee Cawsweyne waxaa soo baxay warar kala duwan oo sheegaayo inuu jiro khalad farsamo iyo khiyaano ku saabsan dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ee degaanada Galmudug,ciidamadda ayaa soo baneeyey furumaha dagaalka sida degmada C/dheer.C/buur,Galcad,Mesegawaay iyo goobo kale kana wada tirsan bariga Galgaduud. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaaladda Dhuusamareeb waxa uu ku sugnaay muddo dhan hal bil si uu halkaasi uga hogaamiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab,waxa uuna Madaxweyne Xasan halkaasi kala soo kulmay dhagar ey sameeyeen maamulka uu hogaamiyo MW-QoorQoor iyo xulafadiisa kuwaaso horayba u diidanaay in kooxda Alshabaab lagula dagaalo degaanadda Galmudug,hadaba DFS maxay ka bedeshay qaabka dagaalka ey kula jirto kooxda Alshabaab?
ISHA/VOA-SOMALI.