MAXAA SABABAY IN LA WAAYO DAD DHAN 500-QOF?
(SAWIRKA)-DADKII KA SOO BADBAADAY DOONTII LAG HOOBTAY.
(ATHENS)-Weli waxa ey doodi ka taagan tahay sababta keentay in la waayo dad gaarayo ilaa 500-qofood gudaha biyaha badda Miditereniyaanka ee ku dhaw xeebaha dalka Guriiga 14/6/23-ka,baarayaal ka kala socdo dalalka Ingiriiska iyo Jarmalka eyna wehliyaan kuwa ka socday dalka Giriiga ayaa la xaqiijiyey iney ogaadeen sababta keentay in doonta kallumaysiga ahayd ee ku degtay biyaha dalka Giriiga, waxayna sheegeen iney sababteed lahaayeen ciidamadda ilaaladda xeebaha ee dalka Giriiga. Sababta la sheegay ilaa hadda ayaa ah in doonta lagu le’eday ey soo jiideen ciidamadda ilaaladda xeebaha dalka Giriiga ka dib markii ey doonta ku timid cilad u diiday iney sii socoto,waxaane weli la sugayaa in war cad ka soo bixi doono baaritaan socdo.
ISHA/AN.