SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAXAA KEENYA IN ALSHABAAB KALA HADLAAN?

(SAWIRKA)-DEGAANKA CAAD EE LAGU DAGAALAMAY MAANTA.

(CAAD)-Wararka laga helaayo koonfurta Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in degaanka CAAD ee dhaca koonfurta Gobolka Mudug una dhexeeyo degaanka Camaara iyo degmada X/dheere ey saakay soo weerareen kooxda Alshabaab,weerarka ayaa ahaay mid qorsheysan lagana soo qaaday afar jiho waxa uuna ku wajahnaay saldhigyo ey leeyihiin ciidamadda DFS iyo kuwa maamulka Galmudug. Dagaalka ayaa waxa uu ku bilawday Qaraxyo dhan afar waxaane intooda badan lala beegsaday xero ey deganayeen ciidamadda GOR-GOR iyo xero kale ey degaanyeen Daraawiishta maamulka Galmudug,baabuurtii waday Qaraxa laba ka mid ah ma eysan Qarxin labana waa ey qaraxday waane kuwa ku qarxay xerada GorGor,waxaane bilawday dagaal fool ka fool una dhexeeyo ciidamdda DFS iyo Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah iyo Alshabaab oo dhinaca kala ah,degaanka lagu dagaalamay ayaa waxa uu u dhexeeyaa degmada X/dheere iyo degaanka Camaara oo ah degaan ey ku sugan yihiin ciidamadda DFS iyo Daraawiishta Galmudug waxaane degaankan si xoog ah looga saaray kooxda Alshabaab sidoo kale degaanka la soo weeraray isagan waxaa todobaadyo ka hor si xoog ah looga saaray kooxda Alshabaab. Sida ey sheegeen dadka degaanka CAAD dagaalkii maanta waxaa khasaaro lixaad leh lagu gaarsiiyey kooxda Alshabaab waxaane tirada Meydadka ilaa hadda la keenay gudaha degaanka CAAD ey gaarayaan ilaa boqol iyo konton Meyd waxaane socoto ayaa la yiri soo ururinta Meydad kale oo Alshabaab ah ey kooxda Alshabaab uga carartay dhaawac ahaan ka dibne u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray. Madaxa hawlgalada Alshabaab C/casiis Abu Muscab ayaa u sheegay warbaahinta Alshabaab in dagaalkii maanta ka dhacay CAAD lagu dilay ilaa 191-askeri kana tirsan ciidamadda DFS iyo G/Mudug balse ma uusan sheegin dhimahsada dhinacooda inteey la eg tahay,laakinse hadalka Abu Muscab waxaa si dadban u beeniyey Madaxa Ashabaab u qaabilsan G/Mudug ninka lagu magacaabo Sheekh Xasan Abu Xamsa,ninkaan ayaa sheegay ineysan heynin tiro dhab ah ee dhimashada soo gaartay ciidamadda DFS balse ey wadaan tira koob arrintaasi la xiriirta,Abu Xamsa ayaa qirtay in diyaaradaha Drones-ka ey duqeeyeen dagaalyahanada kooxda Alshabaab balse ma uusan xusin khasaaraha ka dhashay duqeynta inteey la eg tahay oo waa uu ka gaabsaday,halkaas waxaa ka cad in kooxda Alshabaab uu soo gaaray jab aad u xun kuna qasbay iney kala hadlaan.

ISHA.SBMEDIA.