SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAXAA KALA QABSADAY SHARIIF IYO FARMAJO?

(SAWIRKA)-MADAXWEYNEYASHI HORE.

(MUQDISHO)-Wararka ka imanaayo caasimadda Muqdisho ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in habeenkii xalay ey Waqooyiga Muqdishoo kulan ku yeesheen laba Madaxweyne hore kalana ah Sheekh Shariif iyo Maxamed Farmajo,kulanka ayaa la sheegay iney ujeddkiisu ahaay sidii loo sameysan lahaay isbahaysi Mucaarad oo ka dhan Xukuuadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ex-MW-Farmaajo oo dalka ka maqnaay in ka badan sannad ayaa Jimcihii dalka dib ugu soo laabtay isagoo sheegay inuu qeyb ka noqon doono xal u helidda arrimaha siyaasadda ee is diidan kana dhex taagan siyaasiyiinta, Goobjoogayaal ku sugnaay kulankii xalay ka dhacay Waqooyiga Muqdisho ayaa ka hadlay wixii meesha ka dhacay iyo hadaladii la is dhaafsaday, EX-MW-Farmajo ayaa si adag uga hadlay arrintii Muqdisho u yimid iyo waxa yaalo Muqdisho waxa uuna Farmaajo yiri”Ma fileyn inaan sidaan la kulmaayo,mana ila ahayn in Mucaaadka DFS yahay mid aan midaysaneyn,waxayse ila ahayd in Mucaaradka Muqdisho ka jira yahay mid u midaysan DFS balse eysan ka dhex muuqan siyaasiyiinta aan isku weelka nahay,Muqdisho kama jiro Isbahaysi Mucaarad ku ah DFS oo leh hogaan mideysan taas bedelkeedana waxaa Muqdisho joogo Mucaarad isaga is diidan kalana ra’yi duwan,waxay ii ahayd habeen aan ka gudbi waayey derbi adag oo ah inaan aniga dhiso Isbahaysi loo dhan yahay Mucaaradna ku ah DFS,waane mid aad u adag in la soo dhiso Mucaarad ey xubno ka yihiin siyaasiyiinta reer Muqdisho,runtii walaalkeey Sheekh Shariif ma hubin dhinacyadii la Mucaaradayey DFS iney yihiin kuwa ogol inaan ku soo biiro qeybna ka noqdo Mucaaradka DFS”. Kulankii xalay ayaa lagu karkariyey qorshaha dhisidda isbahaysi cusub oo lagu Mucaardaayo DFS loogana hortegayo qorshayaasha wax ka bedelka dastuurka iyo hawlaha kale ey wado DFS.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA AKHRI.