SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAXAA KALA QABSADAY AMPOUR IYO RAISI.

SAXAFIYADA AMANPOUR OO FADHIDA QOLKII EEY KU WARAYSAN LAHAYD MADAXWEYNE EBRAHIM RAISI.

(USA)-Madaxweynaha dalka Iraan Ebrahim Raisi ayaa baabi’iyey maanta oo khamiis ah waraysi eey la yeelan lahayd saxafiyadda caanka ah kana hawlgasha Tv-ga caalamiga ah ee CNN Christiane Amanpour taaso ayaduba asala ahaan eey ka soo jeedo dalkaasi Iraan sababta uu waraysiga u diiday ayaa lagu sheegay in Amanpour diiday codsiga Madaxweyne oo ah ineey saxafiyadu soo qaadato Xijaab marka eey waraysanayso sida eey soo tebiyeen wariyeyaasha.”Waxaa awood sare loo adeegsaday banaanbaxayaasha reer Iraan,dumarkuna waxa eey gubeen Xijaabka ka dib markii eey xabsiga ku dhimatay todobaadkii tegay Mahsa Amini gabartaaso eey soo xireen booliska Anshaxa”.”kooxaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa sheegay ineey ugu yaraan dhinteen sideed qofood habeenkii xalay,aniga waxa aan qorsheeyey inaan Madaxweynaha weydiiyo wax ku saabsan waxyaabahaas iyo wax ka sii badan”sidaas waxaa barteeda Twitter-ka ku qortay saxafiyadda Christiane Amanpour.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.