SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAXAA KALA HAYSTA QOYSAS SOOMAALI AH IYO…

(SAWIRKA)-DUGSI KU YAALO DALKA MARAYKANKA.

(MINNEAPOLIS-USA)-Marka aad joogtid Qurbaha lana nooshahay dad aan kugu Diin,Dhaqan iyo Af ahayn waxa aad wajahaysaa dhibaatooyin aad u fara badan oo dhinacyada Nolosha,Dhaqanka iyo Diintaada ah,tusaale ahaan dalalka Yurub iyo Maraykanka waxaa ka jiro olole ah in Arday Yar-yar ee dhigata dugsiyadda Hoose/dhexe Manhajkoodu lagu soo darro waxyaabo anshaxa Islaamka lidi ku ah sida iney is guursan karaan Laba Nini iyo Laba Naag,hadaba maxaa kala haysta Lix qoys oo Soomaali ah iyo maamulka Dugsiga ey caruurtooda wax ka bartaan? Waalidiinta Lix Qoys oo asal ahaan ka soo jeedo dalka Soomaaliya ayaa Wakiishay Shirkad Sharci oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka,waalidiintaan ayaa shirkada u wakiishay dacwad ka dhan ah Dugsiyadda degaanka St.Luis Park ee degamada Minneapoli Gobolka Minnesota ee daka Maraykanka,waalidiinta ayaa dalbanayo in caruurtooda eysan qeyb ka noqon Xiisadaha lagu baranaayo Dhaqan Liddi ku ah Diintooda,arrinta ey waalidiintu ka cabanayaan ayaa ah in dugsiga lagu dhigo xiisad ku saabsan iney is guursan karaan dadka isku Jinsiga ah(Lab iyo Lab/Dhedig iyo Dhedig).

ISHA/BBC-SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRISO.