SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAXAA KA SOO BAXAY SHIRKII WADATASHIGA?

(SAWIRKA)-MADAXDA DFS EE KA QEYBGALAY SHIRKII WADATASHIGA.

(MUQDISHO)-Magaaladda Muqdisho waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey shirkii u dhexeeyey Mucaaradka iyo Dawaladda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminaayo MW-Xasan Sheekh Maxamuud,Gudoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka(Sheekh Adan Madoobe iyo Cabdi Xaashi) iyo RW-Xamsa Cabdi Barre,shirkaan ayaa waxaa dhinaca Mucaaradka ku metelaayey Lix Reysal Wasaare hore,Hal Madaxweyne,Seddex Gudoomiye Baarlamaan,Seddex Musharaxa Madaxweyne hore iyo Masuuliyiin horey uga tirsanaay Midawgii Musharaxiinta waqtigii uu dalka Farmaajo maamulaayey. Kulanka Wadatashiga Madaxda DFS iyo Siyaasiyiintii hore ayaa socday inta u dhexeysay 12/7/23 ilaa 13/7/23-ka,Qodobada looga hadlay shirka ayaa u badnay arrimo Masiiri u ah dalka Soomaaliya gaar ahaan heshiiskii ey soo gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka 27/5/23-ka.Qodobada talooyinka laga dhiibtay waxaa ka mid ahaay Heshiiska Hanaanka Doorashooyinka dalka ee kala ah: (1)-Nuuca Doorashada Dalka. (2)-Nidaamka Madaxtinimada Dalka. (3)-Nidaamka Xisbiyada Badan. (4)-Gudiga Doorashada Qaranka. (5)-Mideynta Mudda Xileedka Hayadaha Federaalka iyo Kuwa Dawalad Goboleedyada. (6)-Habraac Dib u Eegista Dastuurka.

ISHA/SNTV.