MAXAA KA SOO BAXAY SHIRKII KA DHACAY RIYAD?
(SAWIRKA)-HOGAAMIYEYAASHII KA QEYBGALAY SHIRKII RIYAD.
(RIYAD)-Wararka laha helaayo caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudiga ee Riyad ayaa sheegaayo in halkaasi maanta oo Sabti ah lagu soo gabagabeeyey shir u dhexeeyey Hogaamiyeyaasha Wadamadda Xubnaha ka ah Ururada Jaamicadda Carabta iyo kan iskaashiga Islaamka,shirkaan ayaa ahaay mid deg deg ah loogana arrinsanaayey xaaladda dagaal ee ka taagan Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin. Shirka oo ahaay mid la wada sugaayey qabsoomidiisa iyo waxyaabaha ka soo bixi doono ayaa waxa uu dhacay si habsami ah laguna guuleysatay in meel la isla dhigo in Isra’iil tahay mid sameeysay gashayne dembiyo dagaal tahayne in lagu makamadeeyo dhibkii ey ka gaysatay Marinka Gaza muddadii bisha iyo dhawrka maalmood ahayd. waxaa isne Riyad ka dhacay shir u dhexeeyey Madaxda wadamadda Qaaradda Afrika iyo dalka Boqortooyada Sacuudiga,shirkaas oo qabsoomay shalay oo Jimca ahayd ayaa looga hadlay arrimo dhawr ah waxaane ka mid ah arrinta dagaalka Gaza iyo horumarinta ganacsi ee u dhexeeyo wadamadda Qaaradda Afrika iyo dalka Boqortooyadda Sacuudiga.
ISHA/ALLABANADIR.