SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAXAA ISKA BEDELAY BAASBOORKA SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-GEN.GAFAW OO KOR U HAAYO BAASBOORKA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)Wararka imaanayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo inuu horumar weyn sameeyey Baasboorka dalka Soomaaliya ka dib markii ey Soomaaliya ku biirtay xubin buuxdane ey ka noqotay Ururka ey ku midoobeen Bulshadda Bariga Afrika(EAC),waxaane socdo shirar is daba joog ah oo ey ka qeybgelayaan masuuliyiin sare kana socoto DFS uuna hogaaminaayo Wakiilka dawaladda Federaalka u soo dirsatay Ururk Bulshada Bariga Afrika Danjire C/salaam Hadliye. Weli waxa aan dhammaan hawlihii Baasboorka Soomaaliya uu uga mid noqon lahaa Baasabooradda dalalka Xubnaha ka ah isla Ururkaan ey Soomaaliya hadda ku biirtay. Ururkaan ayaa leh Gole Wasiiro,Gole Baarlamaan iyo Maxkamadda isaga u gaar ah,dhammaan hawshaas ayaa looga fadhiyaa Soomaaliya iney soo buuxiso si ey xubin buuxda uga noqoto Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC-da.

ISHA/CO.

SII AKHRI.