SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MAXAA BEDELAY MAWQIFKII SICIID DENI?

(SAWIRKA)-MW-SICIID C/LAAHI DENI.

(GARAWE)-Muddooyinkaan dambe waxa ey dhibaato dhinaca siyaasadda ah ey ka taagneed maamul Goboleedka Puntland,jahwareerka ugu weyna waxa uu ka taagnaay qabashada doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulka Goboleedka Puntland,MW-Deni oo hadda ah Madaxweynaha xilka haayo ayaa qabay in Puntland laga qabto doorasho Qof iyo Cod ah marka la gaaro waqtiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa laakinse dhinaca Mucaaraddka Deni ayaa arrintaas u arkaayey iney tahay muddo kororsi uu doonaayo MW-Deni. Arrintaan oo muddo soo cakirneed ayaa waxaa soo farageliyey Isimadda Beesha dhlbahante(SSC) waxa eyna keeneen xal MW-Deni ku dhaliyey inu xalay ku dhawaaqo inuu is bedelay mawqifkiisii ahaay Qof iyo Cod uuna qaatay kii ey doonayeen Mucaaradka oo ah in la soo xulo 66-dii Wakiil ee uu ka koobnaay Golaha wakiiladda Puntland,hadaba arrinkaan aya waxaa ka dhashay su’aalo fara badan waxaane ka mid ah. (1)-MW-Deni muxuu ku bedeshay Doorashii uu juhdigageliyey ee ahayd Qof iyo Cod? (2)-Deni ma waxa uu u turay Shacabka iyo Dawladda Puntland mase waa turun turooday?

ISHA/GARAWE ONLINE.

HALKAN KA SI AKHRISO.