MAWAADINKII SHANAAD OO SOOMAALI AH OO LAGU DILAY DALKA K/AFRIKA.
(SAWIRKA)-GOOBTA UU DILKU KA DHACAY EE K/AFRIKA.
(CAPE TOWN)-Wararka laga helaayo magaaladda Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaayo in Burcad Hubaysan oo reer Koonfur Afrika ah ey dileen mid ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika. Mawaadinka Soomaaliyeed ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cartan Nuur Muude,waxa uuna dilkiisa ka dhacay degaanka lagu magacaabo Strand oo ku yaalo duleedka Cape Town. Dilka ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamadda Booliska dalka Koonfur Afrika kuwaaso baaritaano sameeyey weline lama shaacin cid loo soo qabtay dilka Ganacsadaha Soomaaliyeed. Dalka Koonfur Afrika waa dalka kaliyah ee Qaaradda Afrika ka tirsan ee si bareer ah loogu dilo dadka Soomaaliyeed,dilkaan ugu dambeeyey ayaa ah midkii shanaad ee dhaca bishaan Afraad ee Abriil-2024-ka gudaheeda mana jirto cid waxa dhacaayo ku soo baxday kana mid ah Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika,waxaane dalkaasi joogo Danjire ey magacawday DFS iyo shaqaale la shaqeeyo balse aan waxba u qaban dadka ey masuulka ka yihiin.
ISHA/SB-MEDIA.