MASUULIYIIN DIB U HELAY XURIYADOODA.
(SAWIRKA)-MASUULIYIINTII MAANTA DIB U HELAY XURIYADOODA.
(MUQDISHO)-Todobaadkii hore dhammaadikiisi kuna beeganeed Khamiis 28/9/23-ka ayaa waxaa go’aan cad uu ka soo baxay xafiiska Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Garsoore Saalax Dabaan,go’aanka Maxkamada G/Banddir ayaa khuseeyo Masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsanaay Hayadaha Dawladda Federaalka Soomaaliya,Maxkamada ayaa xukuno kala gedisan waxa ey ku kala riday masuliyiin ka kala tirsanaay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya,dhamman dadkaan masuuliyiinta ah ayaa lagu lagu soo edeeyey iney ku kaceen Musuq-Maasuq waxaane dhacday in qaar ka mid ah msuuliyiinta la soo eedeyey in lagu waayey dembigii loo haystay, waxaane ka mida dadka dembiyadii loo haystay lagu waayey laba Agaasime oo xilka isaga kala dambeeyey kana hawlgeli jiray Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS,waxa eyna kala yihiin Agaasimeyaashaasi C/laahi Maxamed Cali(Suldan) oo Agaasime ahaay waqtiga la soo xiraayey iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo aan wax xil ah ka hayn DFS, raga ayagane la sii daayey ayaa kala ah”Aden Maxamed Cabdi iyo C/qaadir Cabdi Socdaal”. Dhammaan ragaan ayaa xuriyadooda waxa ey dib u heleen maanta oo Isniin kuna beegan 2/10/23-ka in kastoo Xeer ilaalinta Qaranka ey Racfaan ka qaadatay G’aanka Maxkamada G/banaadir lana sugaayo waxa ey ka soo tiraahdo Maxkamada Sare ee dalka,waxaane dhici karta in Maxkamada Sare ku raacdo Maxamada G/banaadir go’aankii ey gaartay iyo ineey ayada dib u qaado Dacwadda.
ISHA/SB-MEDIA.