MASAR OO CADAADIS LAGU SAARAY INEY FURTO ISGOYSKA RAFAX.
(SAWIR)-KA.ISGOYSKA RAFAX.
(WASHINGTON)-Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socdo uu magaaladda Qahira ku qabto shir seddex Geesood ah oo u dhexeeya masuuliyiinta Maraykanka,Masar iyo Isra’iil kaaso looga hadlaayo dib u furista Marinka Rafax iyo qorshaha lagu sugayo Xuduudka u dhexeeya Masar iyo Gaza,sida y sheegeen seddex sarkaal oo Maraykan iyo Isra’iil ah. Qorshaha dib loogu furaayo isgoysyada,ka hortaga Xamaas iney hub sharci darro ah ku soo geliyaan Marinka Gaza iyo ilaalinta nabada adag ee u dhexeeyso Isra’iil iyo Masar ayaa ah mudnaanta koowaad ee maamulka Biden. Maamulka ayaa sidoo kale Masar u arka mid muhiim u ah qorsha kasta oo dagaal ka dib ee xasiliinta iyo dib u dhiska Gaza. Wafdi Maraykan ah oo uu hogaaminaayo Agaasimaha sare ee Bariga dhexe ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ee Aqalka Cad Terry Wolf ayaa la filayaa iney u safraan Masar maalmaha soo socda. Safarka lagu heshiiyey mar ey Jimcihii la soo dhaafay telefoon ku wada hadleen Biden iyo Madaxweynaha Masar C/fataax El-sisi. Intii uu socday baaqa, Sisi waxa uu aqbalay codsigii Biden ee ahaa inuu dib u bilaabo qulqulka gaadiid xamuulka ah ee gargaarka ee Marinka Gaza ee Isra’iil,ka dib markii la hakiyey laba todobaad ka hor ey Isra’iil qabsatay dhanka Falastiin ee Marinka Rafax. Sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in Biden uu Sisi u sheegay in haddii aan dib loo bilaabin gaarsiinta gawaaridda xamuulka ah,uu Maraykanku si cad u dhaleeceyn doon dalka Masar.
ISHA/AXIOS.