SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARKAB TURKIGU LEEYAHAY OO KA BADBAADAY…

(SAWIRKA)-CIIDAMADA GAARKA AH EE DALKA TALYAANIGA.

(ITALY)-Ciidamada gaarka ah ee dalka Talyaaniga ayaa dusha uga soo daatay markab qaada xamuulka lagana leeyahay dalka Turkiga,markabka ayaa ka soo shiraacday xeebaha dalka Turkiga waxa uuna ku socday dalka Faransiiska,markabkaan qaada xamuulka ayaa weday alaabo fara badan sida la soo sheegay, waxaane iney afduubaan isku dayey dad gaaraayo ilaa iyo 15-qofood oo ku hubaysnaay mindiyo, waxa eyna dadkaasi isku dayeen iney afduubaan markabka. Dadka isku dayey afduubka markabka ayaa ah dad megengalyo doon ah kana koobnaay 13-rag ah iyo 2-dumara, waxa eyna ka soo kala jeedaan wadamadda kala ah”Afgaanistaan.Suuriya iyo Ciraaq”,dadkaan ayaa hadda ku edeysan afduub iyo iney markabka si dhuumaaleysi ah ku soo koreen, markabka la afduubay ayaa lagu magacabaa”Galatea Seaways”,waxa eyna afdubayasha rajaynayeen in markabku gayn doon Qaaradda Yurub.

ISHA WARKA THE GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRISO.