MARKAB HUB U SIDAY XUUTIYIINTA OO LA QABTAY.
(DUBAI):Maraakiibta dagaalka ee dalka Maraykanka kuna sugan badda carbeed ayaa waxay qabteen markab kalluumaysi eey saaran yihiin qoryaha AK-47 iyo rasaas fara badan,markabka kalluumaysi ayaa waxa uu ka yimid dalka Iraan waxa uuna ku socday dalka uu baabi’iyey dagaalka ee Yaman.Markabka dagaalka ee dalka Maraykanka ayaa ku jiray kormeer marka uu arkaayey markabkaan kalluumaysi ee aan sidan wax aqoonsi(Calan) ah horaantii maalintii Isniinta ee ina soo dhaaftay.Markabka kalluumaysi ayaa dushiisa waxaa laga helay kun iyo afar boqol(1400)-oo ah qoriga AK-47 iyo laba boqol iyo labaatan iyo lix kun iyo lix boqol(226,600)-oo rasaas ah iyo shan shaqaale oo saarnaay markabka kallumaysi una dhashay dalka Yaman.ISHA AP