MARAYKANKA OO XIRAY BASAAAS.
(SAWIRKA)- WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA.
(WASHINGTON)-Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in xabsiga loo taxaabay nin u dhashay dalka Itoobiya balse haysta dhalashada dalka Maraykanka una shaqeynaayey Wasaaradda Cadaaladda ee dalka Maraykanka. Abraham Teklu Lemma waa 50-jir Maraykan ah loona haysto inuu galay dembi culus oo ah inuu sameeyey basaasnimo bixiyeyne sir ey leedahay dawladda Maraykanka,Lemma ayaa xabsiga la dhigay 24-kii bishii Agoosto-2023-ka,sirta uu bixiyey ninkaan ayaa ah inuu dal shisheeye siiyey sir ciidan oo aad culus,dalka uu sirta siiyey ayaa loo malaynaa inuu yahay dalkii uu asal ahaan ka soo jeeday ee Itoobiya.
ISHA/VOQ-SOMALI.