MARAYKANKA OO XIRAAYO HAYADDA USAID.
(SAWIRKA)-USAID.
(WASHINGTON)-Koox ka kala tirsan Senetka iyo Aqalka Wakiiladda ee Xisbiga Dimuqaraadiga dalka Maraykanka ayaa laga hor istaagay iney galaan Xarunta Dhexe ee Hayadda Horumarinta Caalmiga ah ee USAID ee Maraykanka,Isniinta maanta ah,xilli ey ka mudaaharaadayeen dadaaladda uu maamulka Madaxwyne Donald Trump uu ku doonaayo in lagu burburiyo hayadda USAID. Xildhibaanadaan uu Hogaaminaayey Senator Chris Van Hollen oo laga soo doorto Gobolka Maryland ayey Saraakiisha Hayadaha Amaanka ee ku sugan dhismaha oo ku yaalo magaaladda Washington ee dalka Maraykanka,waxa ey u diideen iney gudaha u galaan. “In la isku dayo in la xiro Hayadda Horumarinta Caalamiga ah amarka fulinta waa sharci darro cad”Van Hollen ayaa ka yiri dhismaha USAID hortiisa. “Tani waa xadgudub cad oo sharcigeen ah” Ilhaan Cumar oo wakiil ka ah ayaa ka dhawaajisay Walaaacas. Waxaynu arkaynaa qalalaase dastuuri ah. Waxaan ka hadalnay in Trump uu doonaayo inuu noqdo kaligii taliye maalinta koowaad waan joognaa. Tani waa sida uu u eg yahay bilawga kalitalisnimada ayuu yiri Van Hollan. Mudaaharaadka ayaa yimid ka dib markii Bilyaaneer Elon Musk uu sheegay in Trump uu ogolaaday in la xiro Hayadda gargaarka. Laba sarkaal oo ka tirsan Hayaddah Amaanka ee USAID in la geliyey fasax maamul ka dib markii ey diideen iney helaan shaqaale ka socdo Waaxda Waxqabadka Dawladda ee DOGE oo ah Xafiis cusub oo hadda la sameeyey kaaso hoos yimaado Elon Musk. Ku dhawaad 60-sarkaal oo sarsare kana tirsan Hayadda USAID ayaa lagu soo waramayaa in fasax la geliyey todobaadkii hore sababo la xiriira eedeymo ah iney isku dayeen iney hareer maraan amarka fulinta ee Madaxweyne Trump ee ahaa in la hakiyo gargaarka dibadda. Mar wax laga weydiiyey arrintan,Trump waxa uu ku tilmaamay shaqaalaha USAID iney yihiin kuwa Xagjirka bidixda ah. “Waan jeclahay fikradda,laakin waxay u noqdeen xagjir bidix waalan,fikradda fikirkeyna waa wanaagsan yahay,dhammaan waxa ey ku saabsan tahay dadka”.
ISHA-AA.