MARAYKANKA OO XAYIRAADII SAFARKA KA QAADAY…
(WASHINGTON):Maamulka madaxweyne Biden ee dalkaas Maraykanka ayaa waxa uu xayiraadii dhinaca safarka ka qaaday sideed dal oo Afrika ah kuwaaso uu ku fiday cudurka Omicron kana yimid Covid-19,wadamadda uu Maraykanku ka qaaday xayiraadda safarka ayaa kala ah”KOONFUR AFRIKA,BOTOSWAANA,ZAAMBIYA,NAMIIBIYA,LESOOTO,ESWAATIIN MOSAMBIIQ iyo MALAAWI” taariikhdu markeey tahay 31/12/2021-ka saacadu markeey tahay 12:01AM-ET ayuuna dhaqan gelaa go’aankaas.Go’ankan ayaa yimid ka dib markii eey xukuumadda Maraykanka wadatashi la sameeysay xarunta la socodka cuduradda iyo ka hortagooda(Center of Disease Control and Prevention).ISHA MSNBC.