SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA OO U HANJABAY ISRA’IIL.

(SAWIR)-KA.MW-BIDEN.

(WASHINGTON)-Wararka imaanayo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegaayo in Madaxweyne Biden Waraysi uu siiyey Tv-ga CNN ee dalka Maraynka maanta oo Arbaca ah uu ku sheegay in haddii Isra’iil weerarto magaaladda Rafax ee dhacda Koonfurta Marinka Gaza in dalka Maraykanka uu joojin doono inuu Isra’iil siiyo hubka ey wax ku duqeyso una badan Bambooyinka culus ey tuuraan diyaaradaha dagaalka iyo hubka Madaafiicda Goobta. Waa markii ugu horeeysay uu MW-Biden ama masuul kale oo ka tirsan maamulkiisa uu si cad u sheego in hawlgalka dhulka ah oo ey ciidamadda difaac Isra’iil ka fuliyaan magaaladda Raax uu keeni doono in la joojiyo hubka weerarada ah ey siin jireen Isra’iil,magaaladda Rafax ayaa waxaa ku nool in ka badan hal milyan qofood oo reer Falastiin ah kuwaso halkaas gaaray biihii la soo dhaafay. Maamulka MW-Biden ayaa ka soo horjeedo hawlgalka balaaran ee ciidamadda difaaca Isra’iil ey ka wadaan magaaladda Rafax kaasoo aan ku jirin qorshe la aamini karo oo lagu ilaalinaayo nolosha dadka rayidka ah. Maraykanka ayaa horay u hakiyey shixnad hub ah oo loo weday Isra’iil oo ey ku jiraan 1800-bambooyin kuwaaso halkii xabbo uu miisankiisu dhan yahay 907-kiilogaraam iyo 1700-bambooyin oo midkiiba misaankiisu yahay 227-kiilogaraam,sidaas waxaa sheegay sarkaal sare oo Maraykan ah.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA AKHRISO.