SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA OO SOOMAALIYA UGU DEEQAY $28-MILYAN

(SAWIRKA)SAFIIRKA MARAYKANKA EE SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Dalka Maraykanka waxa uu ka mid yahay wadamadda Saaxib dhaw la ah dalka Soomaaliya marka laga reebo dalka Turkiga oo Soomaaliya soo garab qabtay muddo aad u fog. Dawladaha Maraykanka iyo Turkiga ayaa qeyb weyn ka ah la dagaalanka Argagixisada ku sugan geyiga Soomaaliyeed,waxa eyna weeraro dhinaca cirka ah ka fuliyaan degaanada lagu tuhmaayo iney ku sugan yihiin Argagixisada AL-shabaab iyo Daacish. Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Soomaaliya Mr.Richard H.Riley ayaa sheegay in Dawladda Maraykanka ey sannadakaan 2025-ka siin doonto dalka Soomaaliya dhaqaale dhan ilaa $28-Milyan oo Doolarka Maraykanka ah si loogu tageero Mashaariicda cusub ee lagu Horumarinaayo adkeynta iyo sugitaan cuntada dalka Soomaaliya. Mashaariicdaan ayaa loogu talagalay iney socoto muddo dhan shan sannadood,waxaane ka faa’iideysan doono dad gaaraayo ilaa sideetan kun(80,000)-qoys oo Soomaaliyeed,kuwaaso tiro ahaan lagu sheegay iney dhan yihiin ilaa Nus Milyan qofood. Ujeedka Mashaariicdaas ayaa ah in la dhiso nolol waarta,lana taageero Horumarinta dhaqaalaha iyo kordhinta keydka iyo hantida qoysaska Soomaaliyeed. Danjire Riley ayaa sheegay in Mashaariicdaan ey qeyb ka yihiin dadaaladda waa weyn ee Dawladda Maraykanka ku taageereyso dalka Soomaaliya,gaar ahaan xilliyadda adag ee uu wajahaayo dalka,iyadoo la tixgelinaayo xaaladda Amni ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya. Dadaaladaan cusub ayaa sidoo kale qeyb ka ah taageeradda Maraykanka ee Horumarinta waarta ee Soomaaliya,iyadoo la doonaayo in la dhiso xasilooni dhaqaale oo waarta. Ugu dambeyntii,Taageeradda Maraykanka ayaa kor u qaadeyso Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,iyadoo la filaayo in Mashaariicdaan ey kaalin muuqata ka ciyaaraan kor u qaadista nolosha dadka Soomaaliyeed ee ku nool meelaha ey ka jiraan Amni xumida iyo cunto yari.

ISHA-GJ.