SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA OO SOOMAALIYA KA CAFIYEY DEYNTA.

(SAWIRKA)-WASIIR BIIXI IYO DANJIRE RICHARD.

(MUQDISHO)-Munaasabad kooban oo maanta ka dhacday magaaladda Muqdisho ayaa waxaa si wadajir ah loogu saxiixay heshiis Dawladda Soomaaliya looga cafiyey lacag deyn ah kana badan Hal Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah. Wasiirka Maaliyadda ee XFS Md.Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dawladda Maraykanka ee Soomaaliya Richard H.Riley ayaa si wadajir ah heshiiskaan ugu kala saxiixday Xarunta Safaaradda Maraykanka ee magaaladda Muqdisho. Heshiiskaan taariikhiga ah ee Dawladda Maraykanka uga cafisay Soomaaliya Deymihii ey ku leheed ayaa daba socdo deyn cafintii uu Naadiga Paris,Ruushka iyo dalalka kale oo fara badan ey u sameeyeen dalka Soomaaliya bishii Maarso ee sannadkaan-2024-ka. Saxiixa heshiiska ka dib waxaa warbaahinta si wadajir ah ula hadlay Wasiirka Maaliyadda XFS Md.Biixi iyo Safiirka Dalka Maraykanka ee Soomaaliya Md.Richard, Safiirka ayaa sheegay in heshiiskaan uu yahay mid taariikhi ah oo Soomaaliya fursad Muhim ah siinaayo. Wasiirka Maaliyadda XFS Md.Biixi oo isna goobta ka hadlay ayaa yiri”Waxa aan maanta magaaladda Muqdisho uga dhawaaqay dhammaystirka heshiiska deyn Cafinta ee dawladda Maraykanka,Wadarta Guud ee Deynta Dawladda Maraykanka ey maanta Soomaaliya ka cafisay ayaa ah ($1-Billion) hal bilyann oo doolarka Maraykanka ah”. Wasiir Biixi ayaa uga mahad celiyey dawladda Maraykanka taageradda muhiimka ah ey siiyaan DFS ee dhanka Horumarinta dhaqaalaha iyo dib u habaynta hanaanka Maaliyadda dalka Soomaaliya.

ISHA-SNTV.