SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA OO SOO DHAWEEYEY BAAQII ANKARA.

(SAWIRKA)-XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA BLINKEN.

(WASHINGTON)-Dalka Marayanka ayaa khamiista maanta ah soo dhaweeyey heshiiska uu Turkiga garwadeenka ka ahaa ee u dhexeeyey dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya laguna soo afjaraayo muranka dhuleed iyo midka badda. “Maraykanku waxa uu soo dhaweynayaa baqii 11-kii Diseembar dhemaray Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Federaalka Itoobiya ee lagu xaqiijinaayo Madax-Banaanidda,Midnimada iyo Madax-Banaanida dhul kasta iyo horumarinta iskaashiga danaha la wadaago”ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken, waxa uuna u mahadceliyey dawladda Turkiga ee fududeysay baaqaan. Wasiir Blinken ayaa intaas raaciyey”In Maraykanku uu rajeynaayo wada xaajood farsamo si loogu ogolaado Itoobiya iney ku naalooto marin la isku haleyn karo,amaan ah oo waara oo badda ah iyadoo la ixtiraamaayo midnimada dhuleed ee dalka Soomaaliya,isagoo carabka ku adkeeyey in wada hadaladdan ey muhiim u yihiin faa’iido dhaqaale oo labada dhinac ah”.

ISHA-AA.

HALKA KA SI AKHRISO.