SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MARAYKANKA OO SHARCI CUSUB KA SOO SAARAY….

(SAWIR)-KA. MUHAAJIRIINTA MARAYKANKA SOO GALAY.

(WASHINGTON)-Maamulka Madaxweyne Biden ayaa abuuraya hanaan cusub oo looga golleeyahay in lagu dhimo waqtiga ey ku qaadaneyso go’aan ka gaarista aayaha muhaajiriinta dhawaan timid Maraykanka iyo Maxkamadda socdaalka oo qaadan jirtay muddo dheer ayaa hadda la rabaa in la soo yareeyo lagana dhigo lix bilood kaliyah bacdamaa ey sii kordheyso walaac cod bixiyeyaasha. Hindisahaan ayaa lagu dhawaaqay shalay oo Khamiis ahayd,arrinkaan ayaa waxa uu khuseeyaa muhaajiriinta dhawaan soo gaaray dalka Maraykanka kuwaaso gaaray shan magaalo oo Maraykan ah,waxaane arrimahooda kormeeraayo koox garsoorayaal ah kuwaaso ujeedadoodu tahay in lagu go’aamiyo 180-maalmood gudahood. Taasi waxa ey calaamadin doontaa waqtiga aad ugu dhaqsi badan in lagu afjaro kiisaska socdaalka oo culeysyo fara badan ku haayo Maraykanka,kiisaska socdaalka la xiriiro ayaa qaadan jiray ugu yaraan ilaa afar sano iyo go’aaminta kiisaska deg deg ah,masuuliyiinta waxay deg deg go’aan uga gaari karaan dadka loo arko iney yihiin khatar Qaran. Goboladda iyo magaalooyinka Maraykanka ey arrintaan sameyn doonto ayaa waxaa ka mid ah”Atlanta,Boston,Chicago,Los Angels iyo New YorK”. Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in magaalootinkaasi loo doortay sababo la xiriiro Garsoorayaasha halkaasi joogo ayaa xoogaay fursad ah u helay iney dhegaystaan dacwadaha iyo sababta oo ah waa magaalooyin waa weyn oo ey u socdaalaan Muhaajiriinta.

ISHA/VOA

SII AKHRI.