MARAYKANKA OO RAJO KA QABA INUU GUULAYSTO SHIRKA JIMCAHA.
(SAWIRKA)-AGAASIMAHA CIA-da MARAYKANKA WILLIAM.J.BURNS.
(WASHINGTON)-Agaasimaha Hayadda sirdoonka dalka Maraykanka ee CIA-da William J.Burns ayaa la filaa inuu Jimcaha u safro magaaladda Paris ee ah caasimadda dalka Faransiiska si uu uga qeybgalo wada hadalo halkaas ey ku yeelanayaan Madaxda dalalka Masar,Qadar iyo Isra’iil,wada hadalada ayaa ah kuwa lagu doonaayo in lagu sii daayo la haystayaasha Isra’iil ee ku jira gacanta Xamaas,sidaas waxaa laga soo xigtay ila xogogaal ah kuna dhaw saraakiil reer Isra’iil ah. Saraakiil ka tirsan maamulka MW-Biden ayaa sheegay iney doonayaan iney isku dayaan oo ey heshiis ku helaan dad maxaabiis reer Isra’iil ah ka hor inta eysan bilaaban Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo hadda ey dhiman tahay wax ka yar seddex todobaad,si loo hubiyo iney jirto xabad joojin ku meel gaar ah inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan,laakinse waxaa jira farqi oo u dhexeeyo Xamaas iyo dawladda Isra’iil. Soo jeedinta xabad joojin muddo lix todobadaa ah eyna dabada ka riixayso xukuumadda Biden ayaa ah mid aan caga badneyn lana hubin iney dhaqan geli doonto iyo in kale. Arrinta ugu culus ee heshiiskaan ayaa ah kala duwanaanshaha tirada Maxaabiista reer Falastiin ee la sii deynaayo iyo sida loo go’aamin doono marxaladda koowaad.
ISHA/AXIOS.