MARAYKANKA OO MAR KALE DUQEYEY XUUTIYIINTA…
(SAWIRKA)-TALIYAHA TALISKA DHEXE EE CIIDAMADDA MARAYKANKA(CENTCON) ERIK.
(WASHINGTON)-Bil ka dib markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil ayey kooxda Xuutiyiinta Yeman waxa ey bilaabeen iney weeraraan Maraakiibta marta Biyaha Badda Cas,waxa eyna halkaasi ka afduubteen markab laga leeyahay dalka Isra’iil iyo shaqaalihii saarnayey,markabka ey Xuutiyiinta Yeman afduunteen ayaa ka diiwaan gashan dalka Ingiriiska waxaane la yiraahdaa GALAXY LEADERS. Hadaba war ka soo baxay Taliska Dhexe ee Ciidamadda Maraykanka(CENTCOM) ayaa lagu sheegay in horaantii maanta oo Arbaca ah la burburiyey laba Gentaal oo kuwa lidka Maraakiibta ah eyna iska leeyihiin kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman,Gentaaladda ayaa yiilay Koonfurta Badda Cas. “Taliska Dhexe ee ciidamadda Maraykanka waxay burburiyeen laba Gentaal ey Xuutiyiintu leeyihiin 24/1/2024-ka saacadu markeey ahayd(2:30)-subaxnimo waqtiga caasimadda Sanca ee Yeman,Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ayaa duqeynta la beegsaday laba Gentaal oo ah kuwa lidka Maraakiibta eyna leeyihiin Xuutiyiinta Yeman oo yiilay koonfurta Badda Cas kuwaaso loo diyaarinaayey in lagu weeraro Maraakiibta maraysa Badda Cas,sidaas waxaa bartiisa(X) ee horay loogu yaqiin Twitter ku qoray Taliska Dhexe ee Ciidamadda Maraykanka. Maraykanka ayaa aqoonsaday Gentaalada ku sugan degaanada ey maamulaan Xuutiyiinta Yeman waxayna go’aamiyeen iney soo bandhigaan “Khatarta ku soo fool leh”maraakiibta ganacsiga iyo maraakiibta ciidamadda badda Maraykanka ee ku sugan Gobolka”. “Talaabadaan waxa ey ilaalin doontaa xuriyadda socodka waxayne ka dhigaysaa biyaha caalamiga ah kuwa amaan ah oo amaane u ah ciidamadda badda Maraykanka iyo maraakiibta ganacsiga”taliska dhexe ayaa hadalkiisa raaciyey.
ISHA/CENTCOM.