MARAYKANKA OO LIISKA MADAW KU DARAY…
DHUXUSHA DALKA LAGA DHOOFIYO.
(USA)- Dawladda Maraykanka ayaa shalay oo Arbaca ahayd(24/5/23)-ka liiska madaw ku dartay xubno kale oo ka mid ah ururka Alshabaab iyo shaqsiyaad xiriir la leh kooxda Alshabaab. War saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha liiska madaw lagu daray ey ka mid yihiin: (1)-Maxamed Siidaw,Maraykanka ayaa ninkaan ku sheegay inuu yahay Amiir dhinaca Maaliyadda ah oo ka tirsan ciidanka Jabhada ee Alshabaab. (2)-Cali yare,ayuu Maraykanku ku sheegay inuu yahay Amiir kale oo isna dhinaca Maaliyadda una qaabilsan inuu canshuurta uga soo ururiyo degaanada Beledul-Amiin ee Gobolka Shabeelada Hoose. (3)-Maxamed Da’uud Gaabane,ayuu Maraykanku ku sheegay inuu masuul kooxda Al shabaab uga yahay hawlaha canshuuraha ee degmada Wanleweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose. (4)-Suleymaan Cabdi Da’uud,ayuu Marykanku ku sheegay inuu yahay Amiirka Maaliyadda iyo Amiirka degaanka Beledul Amiin iyo kormeeraha Maxkamadaha Alshabaab ee ururiyo Ganaaxyada. (5)-Maxmed Cumar Maxamed,ayaa isna la sheegay inuu yahay gudoomiyaha Alshabaab ee degmada Diinsoor ee gobolka Bay waxaane lagu edeeyey inuu masuul ka yahay weeraro lagu qaaday dad rayid ah. Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay ineey liiska madaw ku dartay xubno kale oo ka mida Alshabaab iyo hayado lagu edeeyey iney ku xiran yihiin ururka Alshabaab. dadka la bartilmaameedsaday waxaa ku jiro 15-qofood oo la sheegay iney fududeyaan maaliyadda ururka Alshabaab,afar ka ganacsato Dhuxusha sharci darrada ah iyo todobo hayadood oo ku xiran. Xubnahaas kalane waxaa ka mida Xasan Abshir Xuurow uu Maraykanku ku sheegay inuu hogaaminaayey koox Alshabaab lacagta uga ururiso dadka rayidka ah ee degan Kismaayo, Adan Yusuf Siciid Ibrahim(Ibrahim) ayuu Maraykanku ku sheegay inuu kooxda Alshabaab hanti uga ururiyo Gobolka Shabeelada Hoose, Muumin Dheere(Dheere) iyo Macallin Burhaan ayuu Maraykanku ku sheegay iney kala yihiin ku xigeenka Amiirka degaanka wayanta kana tirsan Gobolka Shabeelada Hoose iyo Madaxa Xisbada ee kooxda Alshabaab ee isla degaankaas,waxaane jiro 14-qofood oo kale oo iyagana lagu eedeeyey dhaqaale u ururin kooxda Alshabaab iyo 9-qofood oo ka ganacasada Dhuxusha iyo shirkado kale.
ISHA WARKA VOA-SOMALI.